Nin u dhashay dalka Sucuudiga oo tababar ciidan u joogay Mareykanka ayaa lagu tuhunsan yahay weerarkii toogashada ee lagu qaaday saldhig ciidamada badda Mareykanka ay ku leeyihiin Gobolka Florida, kaas oo ay ku dhinteen afar qof, oo uu ku jiro ninka weerarka gaystay, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.
Ninka weerarka gaystay waxaa dilay Booliiska oo ka jawaabaya subaxii hore toogasho ka dhacday saldhiga ciidamada badda, xafiiska ciidamada badda sida ay xaqiijiyeen xafiiska Booliiska ka maxaliga. Waa toogashadii labaad ee ugu dhimashada badanayd ee lagu ka dhacda saldhig ciidamada Mareykanka isla todobaadkan.
Barasaabka Gobolka Florida Ron DeSantis ayaa sheegay in tuhmanaha uu yahay muwaadin Sucuudiga ah oo ka qeyb qaadanayay tababarka saldhiga taas oo qeyb ka ah barnaamijka Ciidamada ee muddada dheer u furan xulafada Mareykanka.
Ujeeddada toogashada ayaa baaritaan lagu wadaa.
“Waxaa iska cad in ay jiraan su’aalo badan oo ku saabsan shaqsigan inuu yahay muwaadin ajnabi ah, oo ka mid noqonaya Ciidamada cirka ee Sacuudiga kadibna halkan ku qaadanayay ciiddayada,” ayuu DeSantis ku yiri shir jaraa’id. “Dowlada Sacuudi Carabiya waxay u baahan tahay in ay wax ka qabato dhibbanayaashan. Waxay deymo ku leeyihiin halkan, maadaama ay tani ka mid ahayd shaqsiyaadkooda.
Ninka hubaysan ayaa rasaas ku furay fasal subaxnimadii Jimcaha, sida ay saraakiishu sheegeen. Laba iyo toban qof ayaa dhaawacmay, oo ay ku jiraan laba ku xigeenno oo saraakiil Booliis ah oo iyagu ugu horreeyay oo ka jawaabaya, mid ka mid ah ayaa toogtay ninka weerarka soo qaaday, ayuu yiri madaxa Booliiska Gobolka Sheriff David Morgan.
Ninka toogashada gaysatay oo u dhashay dalka Sacuudiga ayaa xerada ciidamada Mareykanka ee Gobolka Florida u joogay tababar ku saabsan duuliyanimada, waxa uu ka tirsanaa ciidamada cirka Sacuudiga.
Boqorka Sacuudiga boqor Salmaan ayaa cambaareyay weerarka sida uu sheegay madaxweyne Trump.