Nin tixsi eryanaya oo gurigiisa dumiyay

1678
Nin tixsi eryanaya oo gurigiisa dumiyay. ( Sawirka: Getty Images)

Nin u dhashay dalka Faransiiska ayaa gurigiisa qarxiyay isaga oo isku dayaya in uu dilo tixsi ka xanaajiyay.

Ninka oo ku jira da’ada 80- tameeyada ayaa waxa dhibay tixsi ku ag wareegsanayay xilli uu doonayay in uu casheeyo.

Si uu u dilo tixsiga ayaa waxa uu adeegsaday aaladda korontada leh ee lagu dilo cayayaanka, hayeeshe waxay qabsatay gaaska cunada lagu karsado oo qayb ahaan furnaa ama waxyar ay ka socdeen.

Is taabadka gaaska iyo aaladda ayaa keenay qarax waxyeello u geystay kushiinka ama halka cunada lagu karsado iyo waxyeello soo gaartay saqafka kore ee guriga.

Ninka ayaa la sheegay in uu badbaaday oo dhaawac fudud oo gubasho ah gacanta ah uu ka soo gaaray.