Nin ku eedeysnaa qaraxyo Muqdisho ka dhacay oo dil toogasho ah lagu xukumay

989

Muqdisho (UM) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay Cabdulkadir Abukar Shaacir oo ku eedeysnaa qaraxyo Muqdisho ka dhacay sanadkii hore.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ninkaan oo Al- Shabaab u qaabilsanaa sahminta goobaha qaraxyada ay geystaan uu ka dambeeyay qaraxyo dhawr ah oo magaalada Muqdisho ka dhacay kuwaasi oo 30 qof in ka badan oo rayid ah lagu dilay.

Maxkamadda ayaa sheegtay ninka lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay qaraxyadaan ciidamada amnigu ay ku qabteen isagoo wadday gaari ugu dambeeyay ee isku qarxiyay meel u dhaw suuqa Xamar Weyne.

Maxkamadda ayaa sheegtay in goobaha uu soo sahmiyo eedeysanaha maanta xukun lagu riday uu qaraxyada gawaarida laga soo buuxiyo geyn jiray kaddibna marka uu dhigo uu qarxin jiray. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku riday.