Nin baabuur ku dhuftay difaacyada afaafka hore ee Baarlamaanka Britain oo la xiray

539

Nin waday  gaari ayaa la xiray kaddib markii uu gaariga ku dhuftay difaacyada afaafka hore ee Baarlamaanka dalka Britain.

Dad lugeynayay ayaa ku dhaawacmay shilkaan oo dhacay 7:30 subaxnimo ee maanta sida ay sheegeen ciidanka booliska London.Ninkii waday gaariga ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidanka Booliska  magaalada London.

Muuqaalo muujinaya ciidamo aad u fara badan oo goobta dhacdadu ka dhacday la keenay ayaa aad loogu baahiyay baraha bulshada. Booliiska ayaa gabi ahaanba xiray waddooyinka soo gala aqalka baarlamaanka Britain.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ka danbeysa weerarka iyo in uu ku lug leeyahay argagixisnimo

SHARE