Nigeria: Carruur ku dhimatay dhismo iskuul oo ku dumay

639
Nigeria: Carruur ku dhimatay dhisme iskuul oo ku dumay. Reuters

Ugu yaraan 8 carruur ah ayaa ku dhintay tira kale oo badana waxa laga cabsi qabaa in ah ku xayirmeen kaddib markii dhisme iskuul uu ku dumay magaalada Lagos ee dalka Nigeria.

Iskuulka, oo ka kooban dabaq saddex qeyb ah ayaa waxa ku sugnaa 100 ardey, sida mas’uuliyiinta gurmadka u sheegeen BBC.

Ugu yaraan 40 ardey ayaa nolal dhismaha looga soo saaray, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka. Samatabixiyaasha ayaa wali dad kala ka raadinaya burburka dhismaha.

Sababta burburka wali ma cadda wax keenay.