Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutterrs ayaa sheegay in uu si qota dheer uga xunyahay go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaiya ahna madaxa xaafiiska hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Nicholas Haysom.
Xoghayaha Guud ayaa sheegay inuu qorsheynayo in sida ugu dhaqsaha badan uu wakiil cusub oo beddeli doono Nicholas Haysom uu soo magacaabi doono.
Xoghayaha Guud waxa uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo Mr. Haysom, oo ah shaqaale dowladeed oo khibrad leh oo la ixtiraamo oo ka mid ah doorka hoggaamineed ee ugu sareeya, gudaha iyo Xarunta Qaramada Midoobay.
Xoghayaha Guud waxa uu sheegay in warqada loo jaray wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee ah ( in aan dalka laga rabin, kana shaqayn karin, ay tahay diblomaasiyad ahaan mid aan qabanin Hey’adaha Qaramada Midoobay sida lagu qeexay Heshiiskii 1961 Wakiilada ee Xiriirada Diblomaasiyadeed ee Vienna Convention, waxaana isu adeegsan kara oo kaliya labo dowladood.
‘Qaramada Midoobay ma ahan Dawlad, shaqaalaheedana laguma aqoonsanayo Dowladaha loo dirayo, laakiin waxay ka shaqeeyaan mas’uuliyadda keliya ee Xoghayaha Guud”. Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay afhayeenka Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Xog-hayaha Guud ayaa sheegay sidoo kale in ay ka go’antahay xaqiijinta in baahida dadka Soomaaliyeed ay ugu jiraan kaalinta hore ee shaqada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM waxay u baahan tahay inay awood u yeelato in ay fuliso sida ugu haboon ee ay u xilsaaran tahay inay taageerto dalka. daraadeed, ayuu sheegay inuu doonayao in uu magacaabo wakiil cusub oo u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa xaafiiska UNSOM, sida lagu xusay qoraalka.
Xoghayaha Guud waxaa si xoog leh uga go’an inuu gacan ka geysto Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto in ay gaarto nabad, xasillooni iyo barwaaqo dhammaanteed. Ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay 1dii bishaan January ku wargalisay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom in aan wadanka laga rabin, uusana ka shaqayn karin. Qoraalkaan oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aankani uu salka ku haayo kaddib markii uu si cad u jebiyey hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si bareer ahna u fara geliyay madax-bannaanida dalka, sida lagu xusay qoraalka.