Wakiilkii hore Qaramada Midoobay u qaabilsanaa dalka Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa loo magacaabay Danjiraha cusub ee boqortooyada Ingiriiska u qabilsan dalka Afghanistan.
War qoraal ah oo kooban oo Nicholas Kay uu soo dhiggay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu Ku sheegay in loo magacaabay Safiirka UK ee dalka Afghanistan.
Mudane Nick Kay, ayaa ah diblomaasi u dhashay dalka ingiriiska sidoo kalena waxaa uu xilal kala duwan kasoo qabtay Qaramada Midoobay.
Nicholas Kay ayaa waxaa uu soo noqday safiirka UK u qaabilsan dalka Sudaan iyo sidoo kale dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) ka hor intii Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Banki Moon uusan u magacaabin Soomaaliya.