Netanyahu oo uga digay xulafadiisa Siyaasadda in ay ku biiraan Isbahaysiga ka soo horjeeda

615

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka digay in dowlad midnimo cusub oo la soo dhiso ay “khatar ku tahay amniga” dalka.

Wuxuu ku booriyay siyaasiyiinta garabka midig inaysan taageerin heshiis kadib markii hogaamiyaha wadaniyiinta xagjirka ah ee Naftali Bennett uu sheegay inuu ku biirayo wadahadalada uu waddo Yair Lapid.

Mr Lapid wuxuu heystaa ilaa Arbacada inuu soo dhiso dowlad cusub oo wadaag ah.

Haddii lagu guuleysto, waxay soo afjari doontaa waqtigii Mr Netanyahu oo ahaa Ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa ee soo mara Israa’iil.

Siyaasiga midigta fog ee reer Israel Naftali Bennett, oo ah nin saamayn togan ku leh siyaasadda oo xisbigiisa Yamina uu ku leeyahay lix kursi oo muhiim ah baarlamaanka, ayaa sheegay inuu ku biirayo isbahaysiga xukumaya ee soo afjari kara xukunka hogaamiyaha ugu waqtiga dheer ee dalkaasi, Raiisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Bennett ayaa yidhi “Waxaan ujeedadayda ahay inaan sameeyo intii karaankayga ah si aan u sameeyo dawlad midnimo qaran oo uu weheliyo saaxiibkay Yair Lapid, si haddii Eebbe idmo, wadajir ahaan aan u badbaadinno dalka burburka oo aan Israel ugu celinno waddadii ay ku jirtay.” kadib markuu la kulmay xisbigiisa, Yamina.

Mr Netanyahu, oo kiis Maxkamadeed ku furan yahay loona haysto wax isdabamarin iyo arrimo musuqmaasuq ayaa ku guuldaraystay inuu codad aqlabiyad leh doorashadii guud ee dhacday bishii Maarso. Waxay ahayd codbixintii afaraad ee aan loo dhamayn ee dalka ka dhacda muddo laba sano ah – mar labaadna wuxuu ku guuldareystay inuu soo dhiso dowlad ay ku jiraan xulafadiisa isbahaysiga

“Ha dhisin dowlad garabka bidix ah – dowlad noocaas ah waxay qatar ku tahay amniga iyo mustaqbalka Israel,” ayuu yiri 71-sano jirkaan, Axadii oo xukunka hayay 12 sano wuxuuna saamayn ku lahaa siyaasada Israel ilaa muddo dheer.

Mr Netanyahu wuxuu ku eedeeyay Mr Bennett inuu “marin habaabinayo shacabka” iyo inuu fuliyay “khayaanadii qarniga” – taas oo tixraac u ah hogaamiyiha xisbiga Yamina balanqaadyadii hore ee shacabka ee ahaa inuusan ku biirin xoogaga Mr Lapid ee ka soo horjeeda.