Netanyahu oo sheegay in uu qaadan doono inta hartay Daanta Galbeed

613

Ra`iisul Wasaaraha dalka Isra`iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in haddii la doorto doorashada soo socota ee guud uu qorsheynayo in waadiga Urdun ee dhulka la heysto ee reer Falastiin lagu daro  Isra`iil. Khudbad uu ka jeediyay Telefishinka talaadadii ayuu Netanyanyahu hadalkaas ka sheegay.

Waadiga Jordan iyo waqooyiga badda dhimatay (Dead sea) ayaa ah 30% dhulka ay ku fadhiso Daanta Galbeed. Falastiiniyiin gaaraya  65,000 iyo Isra`iiliyiin lagu deegaameeyay oo gaaraya 11,000 ayaa ku nool, waana deegaan ay si rasmi ah gacanta ugu hayaan ciidanka Isra`iil oo lagu magacaabo aagga(C).

Netanyahu ayaa doonaya in waadiga  Urdun iyo waqooyiga badda dhimatay (Dead sea) uu hoos geeyo dowladda Isra`iil. Siyaasaddaas oo ay si weyn u taageeri doonaan xisbiyada midigta fog ee Isra`iil ayaa laga yaabaa in uu ku helo taageeradooda maadaama uu u baahanyahay in uu dhiso dowlad wadaag ah.

Saeb Erakat oo ah diblomaasi sare oo ka tirsan maamulka Falastiiniyinta ayaa sheegay in tillaabadaas haddii la qaado ay gabi ahaanba aasi doonto wax fursad ah oo nabadeed. Isra`iil ayaa dhulkaas heysatay ilaa iyo 1967, hayeeshe si rasmi ah uguma darin dalkeeda.

Netanyahu oo hoggaamiye xisbiga  midigta ee Likud ayaa tartan aad adag oo barbaro u muuqda in uu ku dhammaman doono kula jira xisbiga mucaaradka ee  Blue and white Party oo siyaasad ahaan dhexda u janjeera. Xisbiga Blue and White ayay ku adkaan doontaa in ay helaan xisbi kale oo la dhisa xukuumad wadaag ah.

Falastiiniyiinta ayaa ku doodaya in gabi ahaanba Daanta Galbeed ay iyaga leeyihiin oo ay doonayaan maamul madaxbannaan, hase ahaate Netanyahu ayaa sheegay in Isra`iil ay waligeed sababo amni u joogi doonto waadiga Urdun.

Caalamka ayaa guud ahaan u aqoonsan dhulkaas mid xoog lagu haysto waxaana laga yaabaa in Netanyahu uu dhaleceyn kala kulamo, wallow uu sheegay in arintaan uu kala shaqeynayo Madaxweynaha Trump oo horay ugu taageeray in Qudus ay caasimadda Isra`iil noqoto, sidoo kalena buuraha Golaan ee Suuriya ee Isra`iil heysato loo aqoonsado in Isra’iil leedahay.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa war qoraal ah ku sheegay in “dhamaan heshiisyadii ay la galeen Israel iyo natiijadii lagu gaaray ay dhamaan doonaan” haddii Netanyahu uu talaabadaasi ku dhaqaaqo.

Ra’iisel Wasaaraha Falastiin Mohammad Shtayyeh ayaa ugu yeeray hogaamiyaha Isra’iil “baabi’iyaha geedi socodka nabada”.

“Dhulka Falastiin kama mid aha ololaha doorashada Netanyahu,” ayuu yiri Shtayyeh.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa cambaareyay qorshaha Netanyahu, iyaga oo sheegay in ay wiiqi doonto fursad kasta oo horumar ah oo ku aadan nabadda Israel iyo Falastiin.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay u tixgalineysay ku dhawaaqidaas mid “xadgudub ku ah sharciyada caalamiga ah iyo” qatar aad u wayn oo ka dhan ah Falastiiniyiinta “. Waxa ay isugu yeertay waddamada Ururka Iskaashiga Islaamka si ay kulan degdeg ah uga yeeshaan xaaladaan.