Natiijadii doorashada Pakistan oo dib u dhacday, iyo Imran Khan oo guul u dabaaldegaya

852
Musharaxa la filayo inuu ku guuleystay doorashada, Imran Khan. Xuquuqda sawirka: Arif Ali/AFP/Getty Images
Waxay u muuqataa in Xisbiga dhalinyaradu sida weyn u taageerto ee PTI ee uu hoggaamiyo Imran Khan in uu ku guuleystey doorashadii Arabacdii ka dhacdey dalka Bakistaan, iyada oo la tiriyey codad gaaraya 30% ayuu si weyn ugu horeeyey xisbigiisu, haddii ay dhacdo in Xisbiga PTI guuleysto ayey noqoneysaa in la afjarey labadii Xisbi ii 30 sano ee ud anbeysey talada Bakistaan isaga daba noqonayaayey, marka laga reebo Inqilabkii Milteri.

Xisbiga talada haya ee PML-N ayaa durba sheegay in aysan oggolaaneyn natiijada doorashada oo ay ahayd mid aan caddaalad u dhicin.

Ku dhawaaqida iyo natiijada waxaa dib u dhigey kadib markii qalabkii lagu shaqeynaayey cilad ay gashey, sida ay sheegeen Guddiga Doorashada ee Bakistaan, guddiga ayaa meesha ka saarey in qalabka ay u soo dhaceen Hackers kuwaas oo wax ka bedalay doorashada.

Xisbiga uu hoggaamiyo Imran Khan oo horey u ahaan jirey xidig ciyaaraha Cricket-ka ayaa durba bilaabey in ay guul u dabaaldegaan.

Hoggaamiyaha Xisbiga talada haya ee PML-N shahbaz sharif ayaa sheegay in Bakistan ay dib u noqotey 30 sano, oo doorashadu ahayd mid si weyn loo musuqmaasuqay, sinabana aysan u aqbaleyn natiijada.

Xisbiga PML-N ayaa todobaadyadii u danbeeyey wadey eedeymo ay u jeedinayaan ciidamada Mileterigu in ay doonayaan in ay doorashada fara gashtaan oo soo saaraan Imran Khan.

Xisbiyo badan ayaa ku tartamey doorashada waxaana ugu muhimsan Xisbiyada PML-N ee uu hoggaamin jirey Nawaz Sharif haddana uu hoggaamiyo walaalkiis Shahbaz Sharif. Xisbiga PPP oo ay hoggaaminj irtey haweeneydii u horeysey ee dhul Muslim Raysalwasaare ka noqota Bhutto Benazir oo uu hadda hoggaamiyo wiilkeeda iyo Xisbiga hadda la sheegayo in uu guuleystey ee PTI ee uu hoggaamiyo Imran Khan.