Nancy Pelosi oo loo doortay Guddoomiyaha Aqalka wakiilada Mareykanka

676

Haweeneyda Aqalka wakiilada Mareykanka ka soo gasha gobolka Kalifoorniya Nancy Pelosi ayaa ku guuleyatay in ay noqoto Guddoomiyaha cusub ee Aqalka wakiiladda Mareykanka. Aqalka wakiiladda Mareykanka ayaa ah garabka saddexaad ee ugu awoodda badan saddexda garab ee ay ka kooban tahay dowladda Mareykanka.

Waxay dib ula noqotay hoggaaminta Aqalka wakiilada  Mareykanka kaddib markii ay aqbliyadda Aqalka wakiilada u bateen xubnaha xisbiga dimuqraadiga oo guul weyn ka gaaray doorashadii dhexe ee dhacday.

Guusha Nancy Pelosi ayaa imaaneysa iyada  oo hawlhii dowladda Maraykanka ay hakad ugu jiraan muran ka dhashay  maalgalinta darbiga madaxweyne Trump doonayo in uu ka dhiso xuduuda dalka Meksiko oo si weyn ay u diidanyihiin xisbiga dimuqraadiga oo ku xoogan Aqalka wakiilada. Nancy Pelosi ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay dhameynta hakadka ku yimid hawlaha dowladda, hase ahaatee aysan taageereyn darbiga madaxweyne Trump uu doonayo in  uu dhiso.

Nancy Pekso ayaa si weyn usoo dhaweysay in ay noqoneyso haweneyda hoggaanka u heysaa golaha wakiilada Mareykanka iyada oo ay ku beegantahay boqol guuradii ka soo wareegtay markii ay dumarku heleen xaqa coddeeynta. Aqalka wakiiladda ayaa waxaa sanadkaan soo gaaly haween  kor u dhaafaya boqol kuwaas oo ka kala soo jeeda qomwiyado kala duwan. 43 ka mid ah haweenka soo galay Aqalka wakiilada ayaa ka soo jeeda qomwiyadaha aan caddaanka aheyn, taasna waxay micno kale u yeeshay Aqalka wakiilada Mareykanka. Ilhaan Cumar iyo Rashiida Talib ayaa noqonaya haweenkii ugu horreeyay ee Muslin ah ee ka mid noqda Aqlka wakiilada Mareykanka markii ay dhawaan ku guuleysteen doorashooyinkiika dhacay dalka Mareykanka.

Goorma ayuu dhammaanaya hakadka ku jira hawlaha dawladda Mareykanka

Hakadka qayb ahaan ku jiray hawlaha dowladda Mareykanka oo yimid markii ay Aqalka wakiilada oo dimuqraadigu uu ku xooggan yahay ay diideen in ay meel mariyaan Miisaaniyadda darbiga lagu dhisayo ayaan u muuqan in uu dhammaanayo wallow Nancy Pelosi ay sheegtay in ay meel marinayaan Miisaaniyadda,laakiin taas aysan ku jirin lacagta lagu dhisayo darbiga . Dhanka kale xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in aysan meel marin doonin Miisaaniyadda aysan ku jirin darbiga madaxweyne Trump.

Labada dhinac ayaa si weyn ugu kala aragti duwan darbiga la dhisayo xadka Meksiko iyo Mareykanka u dhexeya si loo looga hortago soo galootiga tira badan ee ka soo galaya Mareykanka waddamada Waqooyiga Amerika, iyada oo dimuqraadiga oo ku xooggan Aqalka wakiilada ay si weyn u diidanyihiin halka fulinta iyo Aqalka odaydayaasha oo ay Jamhuurigu ay ku aqlabiyad badan yihiin ay ku adkeysanayaan in Miisaaniyadda lagu daro maalgalinta darbiga laga dhisayo xuduuda Meksiko.