Naciima Abwaan Qorane oo 4 bilood u xidhnaydh maamulka Somaliland oo xabsiga laga sii daayay

1288

Naciima Abwaan Qorane, oo ah Gabar Gabyaa ah, una dhaq-dhaqaaqda Midnimada Soomaaliya ayaa maanta lagu sii daayey Cafiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u fidiyay.

Naciima, oo kamid ah hal abuurka Soomaaliyeed ayaa bishii lasoo dhaafay lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay in baraha bulshada ay ku qortay qoraallo ay Somaliland sheegtay in gef ah ku yihiin “Qaranimadeeda iyo Jiritaankeeda.”

Abwaanad Niciimo Qorane oo muddo afar bilood ah ku xidhnayd xabsiga ayaa maanta lagu siidaayey cafis madaxweyne.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa saaaka cafis madaxweyne ku siidaayey Naciima Abwaan Qorane oo saddex sanno maxkamadda gobolka Hargeysi ku xukuntay, taas oo loo wareejiyey xabsiga magaaladda Gabiley oo saaka laga sii daayey.

https://youtu.be/9S8yYIRy5Js

Abwaanad Naciima, oo 27 jir ah ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha Hargeysa January 2018 xilli ay ka timid Muqdisho, oo ay kula kulantay Madaxweyne Farmaajo, sidoo kalena uga soo qeyb-gashay Barnaamijka TEDx oo ka jeediyay gabayo ku saabsan midnimada Soomaaliya.

Somaliland ayaa inta badan xabsiga dhigtaa shaqsiyaadka ay u aragto inay kasoo horjeedaan mabaadii’da Soomaali weyn isla markaasna inta badan laamaha amniga Somaliland ayaa beegsadda bulshadda rayidka ah, abwaanadda iyo qorayaasha u safra Koonfurta Soomaaliya.

Saddex cisho ka hor ayuu madaxweyne Biixi la kulmay Aabaha dhalay Niciima Qorane, waxaanu ka dalbaday in la siidaayo, waxaanu warbaahinta u sheegay in madaxweynuhu ka aqballay inuu cafis ku siidaayo Naciima Qoranne.