Mynamar oo laba Wariye oo ka tirsan Wakaaladda Reuters ku xukuntay 7 sano oo xabsi ah

586

Maxkamad ku taalla dalka Myanmar ayaa labo Suxufi oo ka tirsan waakaaladda warark Reuters ku xukuntay 7 sanno oo xabsi ah, iyadoo sheegtay in ay jabiyeen xeerka sirta ee dowladda markii ay barayeen rabshadaha ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya ee dalkaasi.

Kiiskaan ayaa waxaa si wayn loogu arkay mid tijaabo u ah xoriyadda Saxaafadda ee dalka Myanmar.

“Wax cabsi ah ma qabo,” Wa Lone, oo ah midka mid ah labada suxufi, ayaa sidaas yiri xukunka kaddib. ” wax qalad ah ma aaanan samayn. Waxaan rumaysanahay caddaaladda, dimuquraadiyada iyo xoriyadda.” Ayuu sii raaciyay.

Labada Suxufi ee la xukumay, ayaa xirnaa ilaa bishii December ee 2017.

Tifaftiraha Wakaaladda wararka ee Reuters Stephen Adler ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin murugo Myanmar, Wariyeyaasha Reuters ee Wa Lone, Kyaw Soe Oo iyo xoriyadda Saxaafadda meelkasta.

Labada Suxufi ee la xukumay ayaa ah muwaadinin u dhashay Myanmar kuwaasi oo u shaqaynayay Wakaaladalda wararka caalamiga ah ee Reuters.