MW Farmaajo, Afwerki iyo Abiy Axmed oo ka wada hadlaya dhammeystirka heshiiska iskaashi saddex geesood ah

2060

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya , Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada khadiimiga ah ee Gondar, gobolka Baxar-daar ee Dalka Ethiopia halkaasi oo uu ka furmi doono shirka wadahadallada dhammaystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee Gondar waxaa ku soo dhaweeyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Dowladda Itoobiya kuwaas oo uu hor kacayey Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Mudane Abiy Axmed. Soo dhaweynt Farmaajo waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Eretrea Afwerki.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ay socdaal dhanka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabsi.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka qayb geli doona shir Saddex Geesood ah oo uu la qaadan doona Ra’iisul wasaaraha Dalka Ethipia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Dalka Eretrea, Isaias Afwerki.

Heshiiskii lagu saxiixay 5-tii bishii September magaalada Asmara ayaa ahaa mid iskaashi dhaqaale oo saddexda dal ka dhaxeeyay, waxaana shirka labaad ee magaalada Gondar uu noqonayaa mid lagu ambaqaado wixii ka hirgalay heshiiskaas.

Ra’iisul wasaaraha isbadal doonka ah ee Itoobiya ayaa mudooyinkan dambe laga dheehan karay dadaaladiisa ku aadan isbedelo uu ka sameeyay Gudaha dalka Itoobiya oo ay muuqato inuu hadda doonayo isbedel iyo isku soo dhawaasho ka dhaca Geeska Afrika.