Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo ay uga bilaabatay booqasho laba maalmood ah.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee diyaaraha ee Asmara Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki.
Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Eritreeya ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada iyo Iskaashiga Gobolka, dhaqaalaha iyo amniga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sanadkii hore dhawr safar ku tagay dalka Eritrea iyadoo sidoo kalena Madaxweynaha Eritrea uu markii ugu horreysay Soomaaliya booqasho dhawr cisho ah ku yimid.