Muxamaddu Buhari oo ku guuleystay doorashadii dalka Nigeria

422
Muxamaddu Buhari oo ku guuleystay doorashadii dalka Nigeria. Sawirka: Aljazeera

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhamaddu Buhari ayaa ku guuleeystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Sabtidii dalka Nigeria.

Guddiga doorashooyinka dalka Nigeria ayaa ku dhawaaqay in Muhamaddu Buhari uu ka adkaaday hoggaamiyaha mucaaradka Atiku Abubakar oo kula loolamayay xilka madaxweynenimo ee dalka Nigeria.

Madaxweyne Buhari ayaa xilka sii heyn doona afarta sanno ee soo socota. Muhamaddu Buhari ayaa hoggaamiya xisbiga APC halka Atiku Abubakar uu horkacayay xisbiga PDP.
Doorashadii Nigeria oo aad isha loogu hayay ayaa dib loo dhigay sababo farsamo darteed, iyada oo ugu danbeyna la qabtay sabtigii.

Buhari, oo 76- jir ah ayaa doorashada uga guulaystay Atiku Abubakar oo ah ninka ay aadka ugu loolameen doorashada, oo ah madaxweyne ku xigeen hore. Waxaa codadkooda doorashada ka dhiibtay in ka badan afar milyan oo codbixiyaal ah.

Xisbiga mucaaradka ee uu Hoggaamiyo Atiku Abubakar ee (PDP) ayaa diiday natiijada doorashada.

Dalka Nigeria oo ah dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin kala geddisan sida dagaalada kooxda Boko Xaraam oo si weyn u hareeyay doorashada iyo waliba colaadaha u dhaxeeya beeraleyda iyo xoolo dhaqatada kuwada dhaqan gobolada qaar ee dalka Nigeria.

SHARE