Muuse Biixi: Shirka Brussels waxaa loo qabtay Soomaaliya

1325

Madaxwaynaha maamulka Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa si faah-faahsan uga hadlay, shirkii dhawaan lagu soo gebo-gebeeyey magaalada Brussels ee xarunta dalka Beljamka ee lagaga hadlayey arrimaha Soomaaliya.

Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu bulshada u sharraxay ujeeddada shirkii dhawaan kusoo dhammaaday dalka Beljamka iyo ciddii lagula hadlayey, isaga oo hoosta ka xarriiqay inuu shirkaasi ahaa mid aan u qalmin inay Somaliland ka qayb-gasho, islamarkaana aanay marnaba Somaliland ka xaadiri doonin madal meeqaamkeeda iyo dawladnimadeeda waxyeello ku ah, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shirka Brussels waxa loo qabtay Soomaaliya, iyagaa loo qabtay, iyagaa lagula hadlayey, meelna kumaynaan lahayn, qaabkii loo qabanayeyna weynu isku diidnay, waayo dawladaha qabanayey waxa ay doonayeen inay u arkaan inay Soomaaliya mid tahay. Shirkaa waxa la yidhi waxa lagu qaybinayaa deeq oo waxa la yidhi lacagaa lagu qaybinayaaye maxaynu uga hadhaynaa, horto deeqda iyo adduunka siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqono, markaa Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taalla haddaan annaga toos naloo siinaynin, ma qaadanayno san-dareero cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u hurnay gobonnimada iyo dalka in dib loogu soo celiyo halkii uu lixdankii joogay.”

Madaxweynuhu waxa uu shaaciyey inay yaab iyo amakaag ku noqotay tegitaankii madasha shirka ee guddoomiyaha xisbiga Ucid, Eng. Faysal Cali-waraabe, waxaana uu xusay inay arrintaasi tahay mid u baahan in dib loogu noqdo, “Iyadoo arrintu halkaas taagan tahay, ayaa waxa shirka tegay guddoomiyihii xisbiga UCID, maanu ogayn oo nagalamuu tashanin, waana wax inagu cusub iyo wax u baahan in dib la isaga arko, isaga iyo ciddii la socotayba amakaag bay nagu noqotay, shacbigu iyagaa waxan ilaashanaya oo ku mahadsan, xaqna waxa ay noogu leeyihiin inaanu dareenkooda ilaalino,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.