Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Cabduwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari uu yahay mid sharci ah, isla markaana uu dhaqan galay
C/wali Muudey ayaa sheegay in mooshinkaas uu sharci noqday markii uu qabtay, isla markaana uu saxiixay, waxaana uu tilmaamay mooshinka sii wadidisa iyo qaabka uu u shaqeynayo uu isaga leeyahay.
“Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaa ii keenay Xildhibaano, wuxuuna sharci noqday markii aan saxiixay, oo aan fiiriyay sharciyadiisa inay dhameystiran tahay”ayuu Sheegay.
“Guddiga Joogtada u yeeristiisa aniga is ka leh, mar hadaan aniga u yeerin sharci ma aheyn inuu fariisto, mar hadii Guddoomiyaha mooshin laga keenay, taasna muran kamaba jiro” ayuu intaasi ku daray Muudey.
Waxaa sidoo kale intaa ku daray in tirada Xildhibaanada saxiixay mooshinka ay gaarayaan 107 Xildhibaan.