Muslimadii ugu horreysay oo ka mid noqoneysa golaha sharci dajinta Maraykanka

796

Rashiida Tlaib oo ah haweeneey Muslimad ah oo asal ahaan ka soo jeedda Falastiin ayaa lagu wadaa in ay ku biirto golaha sharci dajinta Maraykanka.

Rashiida ayaa  ku guuleeysatay doorashooyinkii lagu xulanayay cidda xisbiga dimuqraadiga u galeysa doorashada golaha sharci dajinta ee ka dhacday gobolka Michigan, waxayna  doorashooyinka dhacaya bisha November  ku guuleysan doontaa kursiga  golaha sharci dajinta Maraykna heer federal oo ay ku matali doonto gobolka Michigan.

Rashiida oo ah 42 ku dhalatay gobolka Michigan waxay ka heshay doorashooyinkii xisbiga dimuqraadiga oo ay ka tirsantahay codad gaaraya 33.6 .Ma jiro cid xisbi kale ka tirsan oo kula tartami doona doorashada bisha November dhaceysa sidaa darteedna waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah ee ka mid noqota golaha sharci dajinta Maraykanka.

Sannadkii 2006dii Keith Elison  oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa noqday Muslimkii ugu horreeyay ee ka mid noqda golaha sharci dajinta Maraykana.Hadda Keith Elison waxa uu u tartamayaa xeer ilaaliyaha  gobolka Minnisota.  Andre Carson oo isgana ka tirsan xisbiga dimuqraadiga kana soo galay gobolka Indiana ayaa  noqday qofkii labaad ee Muslim ah ee ku biira golaha sharci dajinta Maraykanka.