Baydhabo – Musharaxiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay bilaabaan jeediyaan khudbadaha musharaxnimadooda.
Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in maanta musharixiinta u tagaan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ay Guddiga doorashada ka horjeediyaan khudbadaha ay uga hadlayaan ajendayaashadooda waxqabadka haddii ay xilka ku guulaystaan.
Musharixiinta hadal jeedinta samaynaysa ayaa waxaan ku jirin Mukhtaar Roobow oo ahaa musharax u taagan doorashada Koonfur Galbeed balse maalintii Khamiistii dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo xirtay magaalada Baydhabo iyadoo sheegtay inuu jabiyay shuruhii ay la gashay sidoo kale ciidamo u gaar ah iyo hub uu soo galiyay magaalada Baydhabo.
Musharixiinta maanta la filayo in ay hadalka jeediyaan waxaa ka mid ah Cabdiaziz Laftagareen wasiirkii hore ee Biyaha iyo tamarta ee dowladda Federaalka iyo Taliyihii hore Hey’ada nabad sugidda qaranka.
Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la qabto maalinta Arabacada ah oo ku beegan 19 ka bishaan December, 2018.