Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa musaafurisay musharaxa xilka madaxwaynanimo ee doorashooyinka soo aadan ee dalka Masar, siyaasiga rug-cadaaga ah ee la yirahdo Axmed Shafiiq.
Ra’iisul wasaarahii hore ee dalkaasi Masar hatana u taagan xilka madaxwaynaha Axmed Shafiiq, ayaa la sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay xirtay inta ayaan musaafurin ka hor.
Garyaqaanka/looyarka Axmed Shafiiq oo lagu magacaabo Dina Adly, ayaa bartiisa Facebook-ga ku xawiijiyay in kalyantigiisa la xiray inta aan loo dhoofin dalkaasi Masar.
Warbaahinta dalalka Carabta ayaa siyaasabo kala duwan uga hadlay arintan ayagoo sheegay in Imaaraadka Carabta tallaabadan uu qaaday ka dib codsi uga yimid madaxwaynaha dalka Masar Cabdulfataax Al siisii.