Mursal iyo Muudey oo ku biiray shirka Musharraxiinta mucaaradka Muqdisho uga socda

298

Muqdisho – Guddomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa xalay ka qeybgalay shirka huteel Jazeera ee magaalada Muqdisho uga socda Midowga musharaxiinta Madaxweynaha.

Shirka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo maalintii saddexaad Ka Socda magalada Muqdisho ayaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii doorasho heshiis lagu yahay ay dalka uga dhici lahayd.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa warbixin ku saabsan arrimaha Doorashooyinka siiyay madaxda musharaxiinta Madaxweynaha. Waxaa sidoo kale shalay shir ku biiray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo horrey khilaaf dheer uga la dhexeeyay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble.

In Guddoonkii Baarlamaanka ay ku biiran shirar madaxda mucaaraadk ayaa dowladda dhexe dharbaaxo wayn ku ah, sidoo kalena ay kala hadlayaan arrimaha Doorashooyinka oo ay ahayd in Xukuumadda maamusho iyo jn ay hirgaliso.

Shirkaan ayaan la ogeyn in maanta la soo gabagabeynayo inuu sii socon doono maalmaha xigga.

SHARE