Muqdisho: Waddo 10 sanno xirnayd oo dib u loo furay

69

Muqdisho – Waxaa xalay dib loo furay waddada dheer ee isku xirta KM4 iyo Tarrabuunka ee magaalada Muqdisho.

Waddadaan dib loo furay ayaa waxaa horrey u deganaa Safaarada dalka Qatar iyo siyaasiyiin dowladda ka tirsan inkasta oo Safaaradda Qatar ay mar hore ka guurtay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kormeeray furitaanka waddadaan. Ra’iisul Wasaare ayaa sheegay in dib u furista waddada xiriirisa Tarabuunka iyo KM4 oo ku dhawaad 10 sano xirnayd oo muhiim u ah isu socodka caasimadda ay yareyn doonto ciriirigii ay shacabku ku qabeen jidadka magaalada.

Waddadaan oo halbowle u ah isu socodka caasimadda ayaa fududeyn doonto isu socodka gaadiidka iyo dadka taasi oo ay markii hore ay dhib wayn ku qabeen.

SHARE