Munaasabad Aqalka Cad ka dhacday oo sababtay in Fayraska Corona si wayn u faafo

629
Munaasabad Aqalka Cad ee Mareykanka ka dhacday oo sababtay in Fayraska Corona si wayn u faafo

Khabiirka ugu sarreeya ka hortaga Fayraska Corona ee dalka Mareykanka Dr. Anthony Fauci ayaa ku dhaleeceeyay Aqalka Cad marti galinta kulan bishii la soo dhaafay lala xiriiriyay inuu sababay faafitaanka cudurka Covid-19.

Dr Fauci oo xubin ka ah howl wadeenada Aqalka Cad ee loo yaqaan ‘coronavirus task force’, ayaa sheegay in munaasabadda madaxweyne Donald Trump ee uu ku magacaabay garsooraha Maxkamada Sare ay ahayd “dhacdo sifiican cududarka u faafisay”.

Ugu yaraan 11 qof oo ka soo qayb galay munaasabadik 26-kii Sebtember ayaa laga helay fayraska Corona.

Mr Trump laftiisa ayaa ka soo kabanaya Covid-19 kaddib markii saddex habeen uu isbitaalka u jiiftay.

Dhakhaatiirtiisa ayaa u fasaxay inuu ka qeybgali karo kulamada dadweynaha iyo ololaha, hal bil ka hor inta uusan la kulmin musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden doorashada madaxweynenimada oo ay dood u ballansan yihiin.

Mr Trump wuxuu shaki ka muujiyay talaabooyinka ay ka mid yihiin xirashara maaskarada iyo xanibaada si looga hortago faafitaanka Covid-19, oo ay u dhinteen in ka badan 213,000 oo kun Mareykanka gudahiisa. Wuxuu ka hadlay rajada laga qabo in la helo talaal, inkasta oo cilmi baarayaashu sheegeen in tani ay u egtahay inaysan dhicin ka hor sanadka soo socda horaantii.

Ra’yi aruurin la sameeyay ayaa soo jeedinaysa in Mr Biden uu wax ku hogaaminayo Mr Trump doorashada halka ra’yi ururinta uu sameeyay Telefishinka ABC News/ Ipsos lagu ogaaday in kaliya 35% dadka Mareykanka ay raacsan yihiin sida Mr Trump uu u maareeyay dhibaatada Fayraska Corona.