Muqdisho ( UM) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor istaagtay Mukhaar Roobow Abu Mansuur in uusan u tarmi Karin madaxtinimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasaaradda Amniga gudaha Soomaaliya ayaa war qoraal oo ay soo saartay ku shaacisay in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uusan u tartami karin madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed maadaama uusan buuxin, fulina sharuudihii looga baahnaa.
Wasaaradda amniga ayaa sheegtay in ay heshiiska ay horrey ula gashay bulshada caalamka ee lagu (hakiyey) xayiraadii saarnayd Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) hase ahaatee ay sharuudo ku xirnayeen in dhamaan laga wada qaado cunaqabatayntii saarnayd, sida, xayiraada dhaqdhaaqa, xayiraada booliiska caalamka iyo xayiraada dhinca dhaqaalaha.
” Wasaaradu amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tixgelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow ( Abuu Mansuur) buuxin, fulina shuruudihii lagaga qaadayay dhammaan cunaqabataynta aan soo sheegnay welina ay saaranyihiin cunaqabatayntii dowladdaha caalamku saareen. Taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed”. Ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ka soo baxay Wasaaraha Amniga gudaha Soomaaliya.
Mukhtaar Roobow oo loo yaqaano Abuu Mansuur oo horrey ugu tirsanaa hoggaamiyaasha Al-Shabab ayaa shalay magaalada Baydhabo uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Hoos ka akhriso War- Saxaafaddeedka ka soo baxay Wasaaradda amniga gudaha: