Muhaajiriin laga cabsi qabo in ay ku dhinteen xeebaha Liibiya

407

Boqolaal muhaajirijiin oo ku safrayay doon ka sameysan bac ayaa laga cabsi qabaa in ay ku hafteen badda Mediterianka kaddib markii ay doonidu ay ku degtay meel ka baxsan xeebaha dalka Libya sidaas waxaa sheegay afhayeen ka tirsan hey’adda socdaalka addunka ee IOM.

Sadax badbaade oo ka tirsan dadkii doonta saarnaa ayaa sheegay in dad gaaraya 117 ay saarnayeen doonta xilliga ay dageysay. Toban haween ah  iyo labo carruur ah oo mid ka mid ah yahay labo bilood jiray ayaa ku jira dadka la la`ayahay.

Afhayeen u hadlay IOM ayaa sheegay in inta badan dadka doonta saarnaa oo safarkooda soo bilaabay habeenkii khamiista ay ka soo jeedaan galbeedka Afrika, walloow ay jiraan 40 qof oo ka soo jeeda dalka Suudaan sida ay xaqiijiyeen dadkii badbaaday.

Doonta ayaa la sheegay in toban 10- ilaa iyo 11 saacadood ay badda ku jirtay, iyada oo markii danbe bilawday in ay degto taas oo keentay in dad badan ay biyaha ku haftaan.

Diyaarad ay leeyihiin ciidanka milatariga Talyaaniga ayaa aragtay doonta sabeyneysaa, iyaga oo u  tuuray ka hor intii aysan soo gaarin diyaarad kale oo soo badbaadisay saddax qof.

Dad badan ayaa wali la`ayahay waxaana socda baadigoob lagu doonayo in lagu helo boqolaal qof oo laga cabsi qabo in ay ku hafteen badda.

SHARE