Muhaajiriin Afrikaan ah oo maydadkooda la helay

1053

Ugu yaraan 7 qof oo Tahriibayaal Afrikan ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen  Jasiirada Lanzarote, Canary  xilli ay doonaayeen in ay galaan dalka Spain.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in  Shan nin maydkooda laga dhex helay dooni meel xeeb ah.

Waxa ay sidoo kale xuseen  in laba nin oo kale oo ay u suuragashay in ay doonidaasi ka baxaan ay dhinteen ka dib markii ay isku dayeen in ay u soo dabaashaan dhanka xeebta Teguise.

Waxa sababay dhimashada shanta qof ee doonida laga dhex helay maydkooda ayaan wali caddayn ,balse booliiska ayaa waxa ay sheegeen in lag yaabo in ay biyaha ku qaraqmeen.

18 ka mid ah muhaajiriintani oo ka badbaaday doonidan ayaa lagu daweynaya Isbitaal ku yaalla Jasiiraddaasi.