Mudug: Waddooyin muddo xirnaa oo maanta la furay

975

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug iyo Axmed Ducalle Xaaf iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa maanta furay waddooyin in muddo ah xirnaa ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Waddooyinkaan isbaraada laga qaaday ee la furay ayaa in muddo ah u xirnaa dagaallo dhawr jeer ku dhexmaray Gobolka Mudug maamullada Galmudug iyo Puntland.

Madaxweyne Xaaf iyo Taliye Gorod ayaa gacantooda ku furay waddooyinka xirnaa Iyadoo saraakiil ciidan iyo masuuliyiinta Gobolka ay wehliyaan.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo Madaxweyne Xaaf ayaa kula kulmay magaalada Gaalkacyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Waxa la filaayaa sidoo kale in ay kulamo la qaataan bulshada ku dhaqan labada dhinac ee kala taliyaan Maamullada Puntland iyo Galmudug si ay ugula hadlaan xal u helida collaada magaalada Gaalkacyo.