Muqdisho (UM) – Mar kale ayuu Ra’iisul wasaaraha oo hadal ka jeedinayay xaflad kasoo qayb galaaashii weydiiyay in ay is weydiiyaan su’aalo adag. Su’aalahaas adag waxaa ka mid ahaa maxay Soomaaliya uga danbeysa wadamada dariska la ah? Waa su’aal aad muhiim ah oo ay aheyd in isagu uu ka jawaabo maadaama uu yahay Ra’iisul wasaaraha dalka.
Si ay uga dabatagto horumarka dhaqaale oo ay gaareen dariskeeda, Soomaaliya waa in ay u ogolaata kuweeda haldoorka ah in ay hay’adaha dowliga ah dib u dhisaan.Raiisul wasaaraha ayaa arrintaan horay ugu ballanqaaday dib u habeyntii shaqaalaha rayidka ah, isaga oo sheegay in jagooyinka sar sare lagu xullan doono aqoon iyo karti.
Jagooyin kala duwan ayaa la xayaysiiyay, dadka qaarna waa ay xareysteen. Hase ahaatee ku dhawaad hal sano wali dadkii xareystay wax war ha kama maqal dowladda.Mudane Ra’iisul wasaare goorma ayay dadkaasi war kaa maqli doonaan, mise waxaad cadaadiska qabiilada iyo kan siyaasadda ayaa ka adkaaday oo aad u tanaasushay.
Dowladani waxay ballanqaaday caddaalad ay u sameyn doonto dadka Soomaaliyeed. Raiisul wasaaraha ayaa shakhsiyan ballanqaaday in uu horkici doono. Hase yeeshee taas badalkeeda waxaa dhacay in hey’adaha amniga ay dadka u dilaan waxyaabo iska yaryar sida marista wado xiran.
Bishii soon ee la soo dhaafay waxaa sii labo kacleeyay tacdiga laamaha ammaanka, dhibanayaal badan iyo qoysaskoodana wax raali galin iyo garaabid ah intaba kama helin dowladda. Yaa wax ka qabanaya tacdiga laamaha amniga, goorme se laga qabanayaa?.Yey u cabasho tagayaan dhibanaayshu, mudane Raiisul wasaare?
Raiisul wasaaraha waxa aad ugu mashqulsanayahy sumacadiisa iyo muuqaalkiisa, waxa uuna u muuqda isbadal doon. Laakiin se muuqaal iyo isbadal waa kala labo oo dadka Soomaaliyeed ma ahan doqomo aan wax garan oo ay khaldi karaan dhawr masawir oo qurxuun.
Dadku waxa ay filayaan in oraahyada ah waxaan isbadal ku sameyneynaa Soomaaliya ay waafaqdo xaaladaha ay ku noolyihiin oo ay isbadalka dareemaan. Hadalada dowladda ee ah dhaqaaluhu waa u korayaa, amniga waa uu soo wanaagsanaanayaa, iyada oo waddooyinku xiran yihiin wali.Waa su’aale goorma ayay ganacsatadu helayaan lacag ay canshuur ku bixiyaan.
Musuq, eex xil ugu dhiibid iyo kala xigsasho ayaa ah meelaha inta badan dadku su’aalaha ka keeno oo ay tahay in dowladaan ay xoogga saarto wax ka qabashadooda.Qofkii laga sugayay xalka arrimahaan ma ahan in uu waqti ku lumiyo su’aal weydiinta dadweynaha. Dadweynaha ayaa leh door ay ka ciyaari karaan horumarka, laakiin waa hoggaamiyaasha kuwa laga rabo in xal la yimaadaan. Mudane Ra’iisul wasaare waa waqtigii aad dib iskugu noqon laheyd oo aad ka jawaabi laheyd su’aalahaaga.