Mucaraadka Zimbabwe oo diiday go’aanka Maxkamadda ee guusha doorashada madaxweyne Mnangagwa

751
Maxkamadda Sare ee Zimbabwe ayaa go'aamisay in Madaxweyne Emmerson Mnangagwa uu ku guulaystay doorashada. Sawirka: Google

Hogaamiyaha mucaaradka ugu weyn ee Zimbabwe Nelson Chamisa ayaa diiday go’aanka maxkamadda ee ku soo baxay tartankii doorashadii Emmerson Mnangagwa, isaga oo sheegay in uu leeyahay sharci ah inu hoggaaminayo doorashada.

Kooxda Mucaaradka ee uu hoggaamiyo Chamisa, Isbaheysiga Dimuqraadiyadda Isbedelka (MDC), ayaa maxkamadda Sare iyo arrimaha Dastuurka u gubisay cabasho sharci ah taasi oo sheegaysay in bishii July 30-kii codadkii la dhiibtay “xatooyo iyo iyo khiyaano ku shubasho ah lagu sameeyay”.

“Waxaan haystaa sheegasho sharci ah oo ah in aan hoggaamiyo Zimbabwe,” ayuu Chamisa u sheegay saxaafada shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimmada magaalada Harare maanta oo sabti ah.

Madaxweyne Mnangagwa oo hoggaamiya xisbiga talada haya ee Zanu-PF ayaa sheegay in uusan la yaabin go’aanka maxkamadda sare ee ay ku ayiday guusha doorashadiisa, waxa uuna ku baaqay midnimo iyo nabad.

Madaxweyne Mnangagwa oo 75 jir ah ayaa doorashadii madaxtinimo ee bishii hore Zimbabwe ka dhacday helay boqolkiba 50.8 halka Hoggaaminaha mucaraadka Nelson Chamisa uu helay 44.3.

Emmerson Mnangagwa ayaa la filayaa in xilka Madaxweynaha Zimbabwe loo dhaariyo maalinta Axadda ah.