Mucaaradka Kenya: Doorasho kama qayb galayno ilaa iyo inta is badel laga samaynayo

881
Raila Odinga speaking to supporters in Nairobi on Sunday. Credit Daniel Irungu/European Pressphoto Agency

Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay “asiga iyo ku xigeenkiisa Kalonzo Musioka ay ka hareen tartanka doorashada ee dhammaadkan bishan”.

Wuxuu sheegay in dalabaadkooda aan la aqbalin ka dib go’aankii maxkamadda ee ay ku laashay doorashadii bishii August.

Isbeheysiga Mucaaradka ee Kenya ayaa dalbaday in qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada la badalo.

Raila Odinga ayaa sheegay in “go’aankoodu uu ahaa in doorashada ku celiska ah lagu qabto hannaanka ay maxkamadda amartay, kaas oo uu dhigayo dastuurka”.

Qoraal ay soo saareen hoggaamiyayaasha mucaaradka waxay ku sheegeen in “IEBC ay si ula kac ah uga hor timi isbedelka muhiimka ah si loo xaqiijiyo in doorashada 26-ka bishan u noqoto mid xor iyo xalaal ah”.

Waxay guddiga ku eedeeyeen in uu yahay meel uu maamulo xisbiga talada haya ee Jubilee.

Doorashada keli ah ee Jubilee ay aqbalayaan waa mid ay ayaaga ku guuleystaan,” ayuu sheegay Raila oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.

Waxay guddiga ugu baaqeen in uu joojiyo hannaanka qabashada doorasho ku celis ah, ayna billaabaan hannaan cusub oo doorasho lagu qabto.

“Waxaa cad in is bedelka uu yahay mid wax looga qabanayo qaladaadkii ka dhacay doorashii horraantii August. Waxaa taas sabab u ah in la adeegsanayo in markale doorashada soo socoto lagu shubto,” ayey sheegeen mucaaradka Kenya ee NASA.

“Is bedel la’aan doorasho ma dheceyso,” ayey ku dhawaaqeen hoggaamiyayaasha mucaaradka ka dib markii ay shirka jaraa’id dhammeeyeen.

Waxay ku dhawaaqeen dibadbax ballaaran oo beri ka dhici doono Kenya oo dhan oo ay ku dalbanayaan is bedel lagu sameeyo hannaanka iyo guddiga doorashada.

Xigasho: BBC