Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha falgaada Riek Machar ayaa heshiis lagu dhameynayo colaadda dalka Koonfurta Suudaan ku saxiixday magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.
Labada hoggaamiye ee in badan colaaddu u dhaxeysay ayaa ku kulmay maalintii isniinta magaalada Khartuum, waxayna tanaasul ka sameeyeen waxyaabo badan oo hortaagna xal ka gaarista colaadda dalka ugu da’da yar qaaradda Afrika ee Koonfurta Suudaan.
Labada dhinac aya isku raacay xabad joojin joogto ah, ciidamada oo xeryahooda lagu xareeyo iyo dalka Koonfurta Suudaan oon la geeyo ciidamo ka socda IGAD iyo Midowga Afrika kuwaas oo hubin doona in xabad joojinta aan la jabin.
Sidoo kale madaxwenye Kiir iyo Riek Machar ayaa isku raacay in dalku si ku meel gaar ah u yeesho sadax caasimadood kuwaas kala ah Jubba, Wau iyo Malakal.Sadaxdaas caasimadood ayaa waxaa kala dagi doona sadaxda madaxweyne ku xigeen ee la isku raacay.
Labada dhinac ee mucaaradka iyo dawladda Koonfurta Suudaan ayaa isku raacay in dawladda Suudaan ay ilaaliso goobaha shidaalka ee ku yaala koonfurta Suudaan iyada oo si dhaw ula shaqeyneysa dawladda Koonfurta Suudaan.
Madaxweynaha dalka Suudaan oo garwadeen ka ahaa heshiiska labada dhinac ayaa horay u ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono sidii loo nabaeeyn lahaa dalka Koonfurta Suudaan oo sanadahaanba ay colaadi ragaadisay.