Mucaaradka dalka Maldives oo ku guulaystay doorashada madaxweynaha

464
Hoggaamiyaha mucaaradka Ibrahim Mohamed ayaa uga guulaystay doorashada madaxtinimo madaxweyne Abdulla Yameen. Sawirka: Reuters

Hoggaamiyaha mucaaradka Ibrahim Mohamed Solih ayaa ku guulaystay  doorashada madaxtinimo ee dalka Maldives, sida ay muujisay natiifjo horudhaca ah, taasi oo guuldaro lama filaan ah ku ah madaxweyne Abdulla Yameen oo si wayn loo saadalinyay inuu ku guulaysan doono doorashada.

Natiijada ay shaaciyeen Guddiga doorashada isniintii ayaa muujiyay Mohamed Solih uu helay codadka la tiriyay boqolkii 58.3, halka madaxweynaha talada haya Yameen, uu helay boqolkiiba 42 cod.

“Waxaan ku guulaysanay doorashadaan waliba si aqlabiyad waynleh,” waxaa sidaasi warfiyeenka u sheegay Solih.

“Tani waa daqiiqad farxad ah. Tani waa daqiiqad rajo ah.Tani waa daqiiqad taariikhi ah. Waxaan Maldives ka dhigi doonaa bulsho nabad ah. Waxaan madaxweyne u noqon doonaa dhammaan dadka reer Maldives. Ayuu yiri Mohamed Solih.

” Waxaan ugu baqaayaa aana ka codsanayaa Madaxweyne Abdulla Yameen inuu ixtiraamo rabitaanka dadka si dhaqsa ahna u bilaabo wareejinta awooda.

Taageerayaasha hogaamiyaha mucaraadka ayaa waddooyinka isugu soo baxo si ay ugu dabbaaldagaan guusha mucaraadku ka gaaray doorashada madaxtinimada Maldives.

Dowladda Maldives ayaa sidoo kale qirtay in doorashada hogaamiyaha mucaaradka uga guulaystay taasi oo si wayn loo filayay inuu ku gulaalaysan doono  madaxweyne Yameen inskasta uusan wali warbaahinta la hadlin.

Guddiga doorashooyinka qaranka Maldives ayaan wali si rasmi ah u shaacinin natiijada kama dambaysta ah ee doorashada madaxtinimada ee Axaddii dhacday.

SHARE