
Muqdisho (UM) – Mooshinka kalsooni kala noqoqshada ee laga gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari Jawaraai, ayaa sii kordhineysa xaalada amni darro ee magaalada Muqdisho, sida ay qabaan dad aan wareysanay.
Muddo toddobaad gudaheed ah ayay labo qarax dad gaaraya 20 qof ku dileen waddada Makkah Almukurama sida ay sheegeen ilo dawladda ka tirsan.
“Ka hor mooshinka amnigu waa uu soo hagaagayay, hadda se waxaan ka baqayaa in aan socdo maalintii oo dhan” Sidaas waxaa yiri macallin iskuul oo dareenkiisa cabiray.
“Mooshin kasta waa isku mid maxaa yeelay mooshinku waxa uu wax u dhimaa ammaanka dadka”Xildhibaannada mooshinka wadda waxa ay ku jiraan baabuur aan xabadu karin ama waxa ay ku noolyihiin hoteello ama guryo aad u qurux badan oo la ilaaliyo” Ganacsade careysan oo magaciisa qariyay ayaa sidaa ku aragti dhiibtay. Isaga uu hadalkiisa sii wata ayuu ku soo gunaanaday “Wax nagu filan waan aragnay waxaan rajeynaa ilaaheey maadama ay dowladdeena na difaaci weysay in uu na difaaco”.
Dadweynaha kala geddisan ee aan ku wareysanay magaalaad Muqdisho ayaa dhammaantood isku raacsan in laamaha amnigu ay dadaalayaan, laakiin se ay aad u niyad jabsanyihiin isla markaana aysan heysan wax qalab ama qalabku ku yarayahaba.
“ Maxaad ka filaneysaa qof maalintii oo dhan qoraxda taagan isaga oo aan waxba cunin, hellana boqol dollar? Sidani sax ma ahan, waxaanan qabaa in ciidanku ay dadaalayaan inta ay awoodaan, laakiin siyaasiyiinta ayaa leh eedda amni xumada. Maxamed Cilmi darawal ku sugan Muqdisho ayaa sidaas yiri.
“ Siyaasiyiintu waxay had iyo jeer rabaan in ay badalaan madaxda amniga, laakiin ma rabaan in ay dajiyaan siyaasada dalka. Al-Shabaab waxa ay ka faa’iideysanayaan mooshinka, halka dowladda iyo mucaaradkuba ay mashquul ku yihiin kulamo hoteelada ka dhacaya, intii ay ku mashquuli lahaayeen nabadgalyada dadka”.Waxaa sidaas raaciyay darawal kale oo magaciisa qariyay.
Mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Jawaari ayaa abuuraya niyad jab guud maxaa yeelay wali la iskuma raacin maalinta codka la qaadayo. Dowladdu waxay rabtaa in la qabto 31da bishaan, hase yeeshee taageerayaasha guddoomiye Jawaari ayaa su’aal ka keenay sharciyadda warqadda guddoomiye ku xigeenka kaas oo taageersan dowladda.
“Haddba sida u dhaqsiyaha badan ee mooshinkaan u dhammaado ayay ku xirnaan doontaa amniga Muqdisho iyo Soomaaliya guud ahaan”Sidaas waxaa tiri Aamnina oo Xamarweyne qaad ku iibisa.
“ Wax dan ah kama lihin cidda ku guuleeysata mooshinka iyo cidda shaqadooda weysa maxaa yeelay siyaasiyiinta iyo asxaabtoodu waxay ka fikaraan naftooda oo kaliya.Waxaan rabnaa oo kali ah amni si aan nolosheena iskaga wadano. Ilaaheey waa uu ogyahay in xaaladu adagtahay maxaa yeelay waxaa jirta xasillooni darro siyaasadeed. Nuurdiin oo ah shaqaale dowladeed oo ka tirsan dowladda hoose ayaa sidaas ku aragti dhiibtay.