Mooshin ka dhan ah Imaaraadka Carabta oo ka socda Muqdisho

897

Xubno ka tirsan xildhibaanada  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  wada Mooshin ka dhan ah Dowladda Imaaraadka Carabta oo ay ku eedeeyeen in ay fara gelin cad ku heyso arrimaha Siyaasadda Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil,  ayaa mid ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho u sheegay in uu socdo qorshaho ku aadan diyaarinta Mooshinka ka dhan ka ah dowladda Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanku ma uusan sheegin waqtiga mooshanka looga doodi doono Baarlamaanka, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay intaasi uu go’aansan doono guddoonka Baarlamaanka.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyya inay faragelin toos ah uu ku hayo  Siyaasadda Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay go’aankii dhexdhexaadnimada Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafka dalalka Khaliijka ka taagan.

Qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa dhawaan safar ku tagay Magaalada Abu Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, iyaga oo la soo kulmay madax ka tirsan Imaaraadka, si ay taageero ugu fidiyaan go’aankii Xulufada Sacuudiga ay ku xanibeen Dowladda Qatar.