Mnangagwa oo loo dhaariyay xilka madaxweynaha Zimbabwe

700
Emmerson Mnangagwa ayaa xilka madaxweynaha Zimbabwe loo dhaariyay. Sawirka: Reuters

Emmerson Mnangagwa ayaa loo dhaariyay madaxweynaha Zimbabwe, kaddib doorashadii ugu dambaysay ee uu ku guulaystay ee sida adag loogu loolamay bishii hore taasi oo muujisay codadkii ugu horreyeeyay ee dalka laga dhiibato tan iyo markii awoodda laga tuuray Robert Mugabe.

Maxkamadda Dastuurka ayaa xaqiijisay guusha doorashada Mnangagwa jimcihii shalay, iyadoo laashay cabasho uu maxkamadda u gudbiyay Ninka uga adkaaday doorashadii July 30 kii dhacday ee Hoggaamiyaha mucaraadka, Nelson Chamisa.

Kumanaan dad ah, oo kala yimid bannaanka caasimadda, hoggaamiyeyaal calaami ah ayaa Axaddii isugu yimid garoonka Wayne ee magaalada Harare si ay uga qeybgalaan dhaarta madaxweyne Mnangagwa.

Mnangagwa waxa uu ballan-qaaday in uu “ilaalinayo oo kor u qaadi doono xuquuqda Zimbabwe” markii la dhaariyay.

Madaxweyne Mnangagwa oo 75 jir ah ayaa Hoggaamiyaha mucaraadka ee doorashada kula tartamayay uga guulaystay codad la tiriryay boqolka 50.