Minnesota oo ilaala qaranka la hawlgaliyay si loo xaqiijiyo amniga

175
Minnesota oo ilaala qaranka la hawlgaliyay si loo xaqiijiyo amniga. BBC news

Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz ayaa hawlgalyay cutubyo ka tirsan ilaalada qaranka kaddib markii booliisku ay ku fashilmeen in xaqiijiyaan badqabka iyo nabadgalyada dadka Gobolkaas.

Dibadbaxyo caro leh oo ka dhashay dilka booliisku u geystay George Floyd oo ahaa nin madow ah ayaa isku baddelay rabshado sababay burburinta, gubidda iyo bililaqada goobo ganacsi iyo xarumo kale.

Ciidanka ilaalada qaranka ayaa la hawlgaliyay talaadadii sida uu codsaday duqa Minneapolis si ay xaaladda u xakameeyaan kaddib dibadbaxyo isu rogay rabshado oo lagu gubay goobo ganacsi, laguna dilay hal qof oo la wariyay in uu wax bililiqeysanayay.

Dibadbaxyada oo talaadadii ka bilowday halka lagu dilay George Floyd ayaa Arbacadii isku badalay kuwa rabshada wata, iyaga oo u sii gudbay magaalada St. Paul iyo isla Minnesota. Meelo kale oo ka baxsan Minnesota ayay ka dhaceen dibadbaxyadu sida California iyo Mississipi.

Cabsi laga qabo dibadbaxyo hor leh ayaa sababay in uu hakad ku yimaado isku socodka gaadiidka magaalooyinka mataanaha ah ee St. Paul iyo Minneapolis . Tareenkii magaalooyinka dhex mari jiray ayaa gabi ahaanba shaqada joojiyay.

George Floyd ayaa Isniintii ku dhintay gacanta booliiska, isaga oo saacadihii ugu dambeeyay noloshiisa la duubay iyada oo sarkaal booliis ah jilibka qoorta uga hayo xilli uu dhulka yaalay, waxa uuna u dhintay markii uu awoodi waayay in uu neefsado.

SHARE