MUQDISHO (UM)—Tirada dadka Falastiiniinta ah ee ciidamada dowladda Israel ay Ku dileen dadka magaalada Qaza ay la leedahay Israel ayaa korortay sida ay Ku waramayaan warbaahinta bariga Dhexe.
Tirada dhimashada dadka reer Falastiiniin ee shalay ay xasuuqeen militariga Israel ayaa gaartay 17 qof.
Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniinta ayaa sheegtay in ay dhinteen 17 halka dadka dhaawacmay ay tiradooda ay gaartay 1,400 qof.
Dadkan ayaa la laayay xili shalay ay banaanbaxyo ballaaran ka dhigayeen xadka Qaza ay la leedahay Israel ayagoo xusayay 42 sano guuradii ka soo wareegtay markii Israel ay dhulka reer Falastiiniin ka dib dagaalkii dhexmaray dowladdaha Masar, Suuriya iyo Israel.
Madaxwaynaha Maamulka Falastiiniinta Maxamuud Cabaas Abuu Maasin ayaa xasuuqa ka dib Ku dhawaaqay maalin baroor diiq oo lagu xasuusanayo Shacabka shalay militariga Israel ay Ku dileen duleedka Qaza.
Militariga Israel ayaa Ku dooday in sababta ciidamadooda ay rasaasta banaanbaxayaashu ugu fureen ay ahayd ayadoo dadka dibadbaxayay ay qalqal galiyeen madaxbanaanida dhuleed ee Israel.
Dhacdada ka dib Dowladda Kuwait oo ah dowladda Carbeed ee Kali ah haatan ka mid ah Golaha ammaanka ee QM ayaa shir deg deg ah Ku baaqday oo looga hadlayay dhacdada Falastiiniinta lagu laayay inkastoo Golaha ammaanka uu Ku jiray maalin fasax ah Haddana shirka xalay waxaa uu ka qabsoomay xarunta Golaha ee magaalada New York, kaasi oo ahaan mid ay albaabada u xirnaayeen.