Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in howlgalka ay ka bilaabeen waqooyiga dalka Suuriya ay ku dileen dagaalyahno ka tirsan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ka taliya qaybo badan oo ka mid ah waqooyiga dalkaasi.
Turkiga ayaa duullaan dhul iyo Cirba leh ku qaaday goobo ay ku xoogan yihiin Maleeshiyaadka Kurdiyiinta oo ka tirsan gobalka Afrin oo ku yaala xadka dalalka Suuriya iyo Turkiga.
Sarkaal u hadlay Milatariga dalka Turkiga ayaa sheegay in tan iyo intii duullaanka uu bilowday ay dileen tiro ka badan 260 qof oo ka tirsan Dagaalyahnada Kuridiyiinta iyo kuwo ka tirsan Kooxda Daacish oo wali ka dagaalma dalka Suuriya.
Sarkaal sare oo ka tirsan Maleeshiyaadka Kurdiyiinta ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in duulaanka Turkiga ay dad kaga dhinteen isaga oo diiday inuu xaqiijiyo tirada duulaanka turkiga kaga dhintay.