Diyaarad nuuca dagaalka ah oo ay Israa’iil leedahay ayaa waxa soo riday ciidamada Milateriga Suuriya.
Afhayeen u hadlay Milateriga Israa’iil ayaa bartay Twitter ku sheegay in diyaarad dagaalka oo nuuca loo yaqaano F-16 ay burburtay, pilot-yadii waddayna ay badqabaan.
Waa markii ugu horresay oo ciidamada Suuriya ay soo ridaan diyaarad dagaal oo ay Israa’iil leedahay. Israa’iil ayaa dhankeeda iyaduna qiratay in diyaarad dagaal laga soo riday.
Warbaahinta Israa’iil ayaa soo warisay in diyaarada ay ku burburtay Waqooyiga Israa’iil.
Diyaaraha dagaalka Israa’iil ayaa horrey weeraro cirka uga geeystay gudaha dalka Suuriya ,weeraradaasi oo inta badan ay Israa’iil la beegsato goobaha keydka hubka iyo diyaaraha dagaalka Suuriya.