Milateriga Pakistan ayaa sheegay in “si buuxda uu diyaar ugu yahay” inuu xukuumadda gacan ka siiyo sidii loo kala kaxamayn lahaa islaamiyiin banaanbaxaya oo xirtay waddo weyn oo dhex marta magaalada Islamabad.
Xukuumaddu waxay weydiisatay milateriga in la soo celiyo kala dambaynta, ka dib markii boolisku ay ku guul darraysteen inay kala kaxeeyaan dadka banaanbaxayey sabtidii.
Hadal uu milaterigu soo saaray ayaa u muuqda mid dhaliilaya sidii ay xukuumaddu ula tacaashay xaaladda, ayagoo sheegay in booliska aan si haboon looga faa’iidaysan.

Ugu yaraan 6 qof ayaa la rumaysan yahay in shaqaaqada ay ku dhinteen, ilaa 200na dhaawacyo ayaa ka soo gaaray.
Milaterigu waxay dalbadeen caddaymo dheeraad ah ka hor inta aan askar halkaa la geyn.
Dadka banaanbaxayey ayaa muddo todobaadyo ah xiray waddada weyn ee Faizabad, ayagoo weydiisanaya in la eryo wasiirka sharciga Zahid Hamid oo ay ku eedeeyeen diin-cay.

Todobaadyo ayey banaanbaxayaashu xireen waddo weyn oo marta Islamabad (sawirka EPA)
Sabtidii xukuumaddu waxay xannibtay TV-yo gaar loo leeyahay, waxayna hawada aka saartay baraha bulshada ee ay ka midka yihiin Twitter, Facebook iyo Instagram, ayadoo ka cabsi qabta in tebinta tooska ah ee ficillada booliska ay sii huriso dareen diimeed.
Warbaahinta maxalligu waxay sheegeen in Axaddiina ay xannibnaayeen.
Xigasho: BBC