Ciidanka dalka Gabon ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in ay xukunka la wareegeen si ay dib ugu soo celiyaan dimuqraadiyada.
Ciidanka ayaa hadalkaas ka akhriyay Raadiyaha Qaranka, iyagoo sheegay in ay dhiseen gole soo celin doona dimuqraadiyadda .
Dabaabaadka ciidanka aya lgu arkayaa iyaga oo gaafwareegaya waddooyinka caasimadda dalka Gabon ee Libreville.
Dalka saliidda hodanka ku ah ee dhaca galbeedka Afrika ayaa waxaa xukumayay qoyska reer Boongo muddo kontan sano ah.
Madaxweynaha hadda talada haya oo xanuun dartiis dibadda ugu maqan ayaa xukunka la wareegay sannadkii 2009-ka.
Dowladda Mareykanka ayaa toddoobaadkii hore ciidamo gaaraya 80 askari u diray Gabon kuwaasi oo Madaxweyne Trump ku sheegay in ay ilaalin doonan muwaadiniinta Mareykanka ee dalkaasi ku sugan.