Milatariga Mali oo qorsheynaya dhismaha dowlad ku meel gaar ah

44
Madaxweynaha dalka Galbeed Afrika ee Maali ayaa is casilay kaddib bannaanbaxyo muddo ka socda dalkaas. Reuters

Milatariga Mali oo qorsheynaya dhismaha dowlad ku meel gaar ah

Milatariga dalka Mali ee talada dalkaas la wareegay ayaa gadaal ka riixaya cahdi qarameed 18 bil oo ku meel gaar  siinaya ciidanka in ay dalka hoggaamiyaan.

Haddii uu meel maro waxa talada dalkaas gacanta ugu sii jiri doontaa ciidanka dalka , wallow ay dibadbaxayaashii dawladdii hore diidana ay ka biyo diideen in ciidanka dalka hoggaamiyo.

Madaxweynaha hoggaamin doona dalkaas muddada kumeel gaarka ah oo rayid ama ciidan noqon kara ayaa waxaa dooranaya xubno ay soo xuleen ciidanka talada dalkaas haya.

Ururada Gobolka ayaa si weyn u daneynaya in muddada ugu yar xukunka gacanta rayidka lagu celiyo si looga fogaado in xukunka uu galo gacan milatari.
Urur goboleedka ECOWAS ayaa lagu wadaa inay kulmaan si ay uga wadahadlaan xaaladda Mali.

Ururka ayaa cunoqabateyn kusoo rogay dalka Mali markii 18 bisha Agoosto ay ciidanka dalkaas afgambiyeen Madaxweynihii dalkaas Ibraahim Buubakar Keite.

SHARE