Milatariga Dowladda Itoobiya oo qabsaday xarumihii maamulka Dowlad degaanka ee Jigjiga

1206

Muuqaalo laga soo duubay magaalada jigjiga laguna baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayaa iyadoo ciidamo ku gaashaaman hubka noocyadiisa kala duwan ay laa wareegeen guud ahaan xafiisyadii ay ku shaqayn jireen madaxda dawlad deegaanka soomaalida itoobiya, sidoo kale shacabka ayaa mudaharaad kala hortay ciidamadaas.

Sidoo kale xubno soo duubay muuqaal sheegayna inay ku sugan yihiin xarunta xisbiga ee jigjiga waxay sheegeen in saaka ay ku warheleen iyadoo magaaladii iyo xafiisyadii ay ku gadaaman yihiin ciidamada milateriga, waxayna sgheegeen in talabadaan ay ka dambaysay markii madaxweynaha Dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi maxamuud Cumar iyo raisal wasaaraha ay ku kala aragti duwanaadeen qoondada ay dadka deegaanku ku yeesheen shidaalka laga helay dhulka soomaalida.

Ugu danbayn shacabka ay ugu baaqeen dal iyo dibad inay isku duubnaadaan, sidoo kalena waxay xaqiijiyeen in aysan ogayn meel uu joogo madaxweynihii dawlad deegaanka soomaalida itoobiya Cabdi Mxamuud Cumar.