Mike Pompeo oo gaaray Itoobiya

121
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa gaaray dalka Ethiopia. Sawirka: Twitter

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaasi oo la filayo inuu uu kulamo kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Mike Pompeo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan arrimaha nabadgalyada gobolka iyo xiisada u dhaxeysa Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan muranka ka dhashay dhisidda biyo xireenka weyn ee laga dhisayo Webiga Nile.

Mareykanka ayaa waday dadaallo uu ku dhexdhexaadinayo Masar iyo Itoobiya.

Masar waxay si weyn ugu tiirsan tahay biyaha Webiga Nile isla markaana waxay ka casbsi qabtaa in biyo xireenka ay Itoobiya dhiseyso uu fursad u siiyo in inta badan ay la wareegto biyaha.

Muranka webiga Nile oo muddo soo jiitamayay ayaa dhawr mar hore muran badan ka dhexdhaliyay labada dal.

Masar ayaa xullafo dhaw la ah Mareykanka iyadoo Itoobiya ay aad ugu dhawdahay dowladda Mareykanka oo ay iskaashi amniga kala dhexeeyo.

SHARE