Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in wasaarada Maaliyadda ay isku diyaarineyso sidii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay u horgeyn laheyd Miisaaniyada cusub ee sanadka 2018.
Wasiirka oo war kooban ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in sidoo kale la horgeyn doono Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya si ay u ansixiyaan ka dibna Baarlamaanka loo gudbin doono.
Reviewing the 2018 budget before presenting it to @M_Farmaajo @SomaliPM & the Cabinet today. Committed to raising domestic revenue, strengthening fiscal processes & transparency & balancing the budget. pic.twitter.com/e3aD4FG4Z7
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) November 13, 2017
Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay rajeynayaan in Miisaaniyadda cusub ay noqoto mid wax ka qabato Baahiyaha Dowlada.
Waxaan isku diyaarina in aan horgeeyo @M_Farmaajo & @SomaliPM. Misaaniyada 2018 ka dib na waxaan horgeyn donaa Golaha Wasiirada si ay u ansixiyaan waxaan rajeyna in Misaaniyada cusub ay noqoto mid wax ka qabto baahiyaha Dowlada. pic.twitter.com/A2xJv3Bcvj
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) November 13, 2017