Miisaaniyadda Dalka iyo Dadka – UM

4860
Wasiirka maaliyadda Dr Abdirahman Beyle oo Shalay ka hadlayey dhageysiga dadweyne ee Maaliyadda (Xuquuqda sawirka, Umadda Media)

Mogadishu (UM) – Dhageysiga dadweyne ee miisaaniyadda 2018-ka ee shalay ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday jihada saxda ah ee ku wajahan dib u soo noolaynta dhaqaallaha Soomaaliya. Dhageysiga dadweyne ee misaaniyadda oo abaabulkeeda lahayeen Guddiga Barlamaanka ee Miisaaniyadda iyo Maaliyadda iyo wasiirka maaliyadda, Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle iyo xubnaha maamulka sare ee wasaradiisa iyo dadweynaha ayaa la iskula lafa guray arrimaha misaaniyadda, maaliyadda iyo canshuuraha ee dalka.

Dhageysigan dadweynaha oo ahaa midkii labaad oo ay qabtaan guddiga maaliyadda Barlamaanka Soomaaliya sanadkan ayay tahay markii ugu horeysay ee Wasaaradda Maaliyadda ay si rasmi ah uga qayb gasho. Dhab ahaantii, tani waa markii ugu horreysay tan iyo burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii in dhageysi dadweyne ee miisaaniyadda ah la qabtay.

Intii ay socotay dhageysiga ayuu Wasiirka maaliyadda, Dr Beyleh faahfaahin ka bixiyay maclumaadka maaliyadeed ee 2018-ka isagoo sidoo kale ka jawaab celiyay su’aallaha ay wadiinayeen xubnaha ka tirsan Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka. Munaasabadani waa qeyb ka mid ah geeddi-socodka caadiga ah ee dalalka horumaray balse Soomaaliya gudaheeda waxay u tahay bilowga xilliga daahfurnaanta, isla xisaabtanka mas’uuliyadda ku wajahan midda guud iyo mida gaarka ah ee xubnaha haya xafiisyadda dadweyne.

Saldhigga dimuqraaddiyadda iyo daahfurnaatu waa isla xisaabtanka kuwaas oo horseeda barwaaqo guud, waxaana tiirarka ugu muhiimsan ka  mid ah soo saaridda dakhli gudaha ah oo dalka gudahiisa ka yimaada iyo maalgashiga gudaha dalka iyo dibadda intaba. Xukuumadda Soomaaliya ayaa tan iyo sannadkii 2012-kii waxay aad uga shaqeysay dhiirigalinta maalgashiga dalka iyo dakhli aruurinta, balse guulo badan lagama gaarin iyadoo ay ugu wacan tahay caga jiid dhanka siyaasada ah iyo ahmiyad siin la’aan midaas oo caqabad ku noqotay in sharci laga dhigo isla markaasna Barlamaanku ansaxiyo dib-u-habeyn muhiim ah oo lagu sameeyo Sharciga Maamulka iyo Maaliyadda Guud ee dalka. Nasiib wanaag, maanta, sharcigan iyo qaar kale oo badan ayay ansixiyeen Golaha Wasiirada, oo kelliya waxay sharciyadani sugayaan ansixinta Baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee, sharciga oo barlamaanku meel mariyo kaliya maaha isbedelka maaliyadeed ee Soomaaliya u baahantahay, waxaaase muhiim ah wax ka qabashada caqabadaha hor-istaaga hirgalinta shuruucda iyo baahinta dowladnimadda. Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in diiradda la saaro waxbarashada iyo wacyigalinta iyo wada-hadal dhab ah oo lala yeesho bulshadda midaas oo noqon karta hababka ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo ajandaha sharci-dejinta iyo fulinta kuwaas oo sahli kara in si guul leh lagu hirgaliyo oo ay cid walbana u aragto inay dan u tahay.

Ma jiro dhinac dawlad wanaaga iyo daahfurnaanta ay uga baahi badan tahay dowladda Soomaaliya marka laga hadlayo arrimaha quseeya maaliyadda, gaar ahaan, waddan dib usoo kabasho ku jira sida Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda waa in lagu ammaano kor u qaadista dakhliga gudaha, oo ay ka bilaabeen diiwaangelinta habka casriga ah (biometric Cards) ee mushaar siinta askarta, iyagoo sidoo kale suurtagliyay inay si toos ah shaqaallaha rayidka ah ee dowladda musharaadkooda ugu shubaan akoonadda bangi iyadoo aan lagala raagin. Waa talaabo ay ku faani karaan Wasiir Beyleh iyo xubnaha la shaqeeya guulahaas taariikhiga ah ee ay hirgaliyeen gaar ahaan xilli duruufo adag lagu jiro. Waxaana xusid mudan, inta badan in wax-qabad kasta iyo guul walba aanay macno weyn yeelanin haddii aan lagu darin ficil iyo tallaabooyin joogto ah oo lagu sii wadayo dib-u-habayn iyo hufnaan dowladeed, hadii midaas la waayo niyad-jab iyo guuldaro caqabad ku noqota wixii la qabtay waa lama huraan.

Waxaa jira lataliyayaal aad u fara badan oo ka howl gala Soomaaliya oo dowladdu leedahay balse codka ugu muhiimsan ee dowladdu u baahan tahay marka laga hadlayo arrimaha dib-u-habeyntu waa kan shacabka Soomaaliyeed. Dadka Soomaaliyeed waa kuwa ugu badan ee ka faa’iideystayaasha ah horumarka guud ee qaranka, waana in fikiradahooda la ixtiraamaa, la dhegeystaa, isla markaasna baahidooda si cad uga muujdaan dhammaan siyaasadaha iyo ficiladda dowladda oo ay ku jiraan habka loo dajiyo miisaaniyada dowladda ee sanadkiiba laba mar la dajiyo. Midaas waa inay ka dhex muuqataa in laga tarjumay baahiyaha bulshadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mudnaanta siisay soo saaridda dakhliga gudaha iyo kor u qaadista saldhigga ganacsiga guud ee dalka iyo saldhigga canshuuraha shakhsiyaadka laga qaado iyadoo la abuurayo shaqooyin badan isla markaasna la xoojinayo daahfurnaanta iyo maamul wanaagga. Istaraatiijiyadani ma aha oo kaliya caqliyan wanaagsan iyo waxtar leh, balse waxay aasaas u noqon doontaa hirgalinta nidaam maaliyadeed oo heer federaalka ah oo guulaysta,  iyadoo uu nidaamkaasi saldhig u noqon doonaa kor u qaadista kalsoonida muwaadiniinta Soomaaliyeed inay kalsooni ku qabaan maareynta maaliyadda guud ee dalka si aan eexasho iyo caddaalad darro ahayn. Kadib,markaas  oo kaliya, ayuu baaqa codka dheer ee canshuur bixinta ay ku baaqdo Wasaaradda Maaliyadda heli doonaa jawaabo aad u fiican oo laga helo dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ganacsatadda oo ku dhiiran doona inay canshuur bixiyaan.

Bulsho aan wakiilo lahayn canshuur ma bixiyaan, sidaas si la mid ah matalaad ma jirto hadii aanay jirin daah-furnaan iyo wada-shaqeyn bulsho.

SHARE