Midowga Yurub oo uga digtay shirkadaha soo saara tallaalka Covid-19 in ay dhimmaan tiradii lagu heshiiyey

470
Midowga Yurub oo uga digay shirkaddaha soo saara tallaalka Covid-19 in ay dhimmaan tiradii horrey loogu heshiiyey. Reuters

Midowga Yurub wuxuu ayaa uga digay shirkaddaha soo saara tallaalka Covid-19 inay qasab tahay inay keenaan tiradii la isku afgartay, iyadoo laga cabsi qabo dhimista inay si weyn u carqaladeyso hawlaheeda tallaalka.

Shirkaddaha AstraZeneca iyo Pfizer-BioNTech labaduba waxay sheegeen in dhibaatooyinka soo-saarka ay dhigan tahay inaysan bixin karin tirooyinka la filayo.

Midowga Yurub wuxuu ka digay inay xaddidi karto dhoofinta tallaalada lagu sameeyay gudaha dalalka Midowga Yurub, iyadoo wasiirka caafimaadka Jarmalka uu dalbaday “in si cadaalad ah loo qaybiyo tallaalka”.

Wasiirka tallaalka ee UK ayaa ka digay “dhamaadka dhimashada ololaha tallaalka”.

Shirkadda AstraZeneca badanaa waxaa laga soo saaraa UK, halka sahayda UK ee talaalka shirkaddaha Pfizer-BioNTech ay ka timaado warshada farsamaysa Beljamka ee shirkada.

Talaalka ayaa noqday mid muhiim ah iyadoo dowlaha ay doonayaan inay joojiyaan heerka faafitaanka Fayraska Corona.

Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Jarmalka ayaa ku biirtay shirkadda AstraZeneca iyadoo si adag u beenineysa warbixinnada qaar ee warbaahinta Jarmalka ee heerka waxtarka hoose ee tallaalkiisa ee dadka waayeelka ah.

Qaaradda Yurub ayaa waxaa aad u saameeyay Fayraska Corona tan iyo markii uu ka dilaacay dalka Shiinaha sanadkii 2019-kii.