Midowga Yurub oo taageero dhaqaale siinaya Soomaaliya

867

Beesha Caalamka ayaa ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya ay ku taageerayso lacag badan si wax looga qabto dhaqaallaha ,Ammaanka iyo Siyaasadda.

Beesha Caalamka waxa ay sheegtay in xilliggaan loo baahan yahay in si weyn loo xoojiyo taageeradda la siiyo Soomaaliya si loo soo Afjaro dhibaatooyinka ka taagan dalka.

“Midowga Yurub wuxuu hogaaminayaa iskaashi caalami ah si loo xoojiyo qorshaha dib-u-habeeynta siyaasadeed, dhaqaale iyo amniga ee Soomaaliya, Maanta, waxaan ku dhawaaqay in Midowga Yurub uu bixin doono 200 oo milyan oo Yuro oo dheeraad ah oo lagu taageerayo xasilinta guud ee Soomaaliya, Waxaan sidoo kale saxiixay deeq lacageed oo dhan 114.2 milyan oo doolar oo loogu talagalay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ilaa dhamaadka sannadkan” ayay tiri Federica Mogherini oo ka mid ah xubno sare ee Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in uu dhaqaale badan ku bixin doona shaqo Abuurka dhalinyaradda iyo Arrimaha Gargaarka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku rajaweyn in ay soo gaarto lacagtaasi,iyada oo aan lasoo marsiin Hay’addo iyo Ururo ka shaqeeya Arrimaha Soomaaliya.