Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay shalay ku cambaareeyeen kuna diideen Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika muddo kordhintii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u sameeyay Madaxweyne Farmaajo.
“Midowga Yurub wuxuu taageersanyahay diidmada mudo kordhin kasta wuxuuna rajeynayaa in si dhaqsi leh loogu laabto wadaxaajoodka, oo uu fududeeyo ergayga Midowga Afrika, si loo gaaro is afgarad dhanka doorashooyinka ah, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 Sebtember 2020”. Ayaa lagu qoraalka ka soo baxay xaafiska wakiilka sare ee Midowga Yurub, Josep Borrell.
Midowga Yurub ayaa sidoo kale soo dhaweeyay baaqa ah in Shir Wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCC) oo lagu qiimeynayo xaalada amni ee Soomaaliya la qabto.
“Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu si dhaw u lashaqeeyo ergayga Midowga Africa, dhanka kale, wuxuu codsanayaa degenaansho iyo in laga fogaado talaabo kasta oo kale oo xaalada sii xumeyn karta”. Ayaa lagu yiri qoraalka.
Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa 22-kii Abriil shir ku saabsanaa xaaladda siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Soomaaliya yeeshay iyagoo diiday muddo kordhinta Hey’addaha dowladda iyo Madaxweynaha Baarlamaanka u sameeyay 12kii bishaab Abriil.